Raaxada Guurka, Paperback/Sabriye M. Muuse

Raaxada Guurka, Paperback/Sabriye M. Muuse

An publicare
2018
Nr. Pagini
258
ISBN
9781912411085

Descriere

Description Sabriye Macallin Muuse waa qoraa u ol'oleeya in Ummadda Soomaaliyeed afkeeda hooyo aqoonta laameheeda kala geddisan lagu gaarsiiyo, loogana haqabtiro. Buuggan RAAXADA GUURKA markii ugu horreysay waxa uu Dooxa-Qadar ka soo baxay sanadkii 2002-kii. Waxa uu ahaa buug Af Soomaali ku qoran oo noociisa ah kii ugu horreeyey, dagaal, bogaadin iyo dood bandanna aan kala kulmay. Run ahaantii, RAAXADA GUURKA waa, ilaa iyo iminka, buugagta la daabacay ee mooduuca guurka iyo gacal doorashada afka hooyo uga hadlaya, kii ugu caansanaa uguna af dheeraa, in kasta oo buugag badani xilligii isaga la daabacay wixii ka dambeeyey ay suuqa soo galeenna, buug u dhigma weli lama haayo. Akhristaha sharafta lahow, daabacaaddii labaad ee RAAXADA GUURKA ayaa ku hortaal, waxana weeye daabacaaddii koowaad oo dib loo tifaftiray, loo qaabeeyey, loona turxaan bixiyey, wixii mowduuca guurka muddadaas shan iyo tobanka sano ah ku soo kordhayna laguugu soo daray.

Pe aceeași temă